Saturday, July 27info@digitalvisi.com

Cudurka Corona: Cunto uu kariyay qof qaba coronavirus ma laga qaadi karaa cudurka?

0 0
Read Time:3 Minute, 38 Second

Dhammaan su’aaluhu waxay ku saabsan yihiin xanuunka safmarka ah ee Covid-19, iyadoo ujeeddaduna ay tahay inaan dhageystayaasheenna wax badan ka fahansiinno xaaladda cudurkan.

Cudurka Corona

Dr Cali Maxamuud, oo jooga magaalada Nairobi, ayaa marti ku ahaa barnaamijkii baxay Arbacadii.

WHO: Dunida waxay wajaheysaa kiisaska coronavirus ee ugu badnaa

Cimillada daran iyo cudurka corona marka ay kulmaan maxaa ka dhalan kara?

1- Dadka qaba cudurka oofwareenka saameyn intee la eg ayuu u geysan karaa coronavirus haddii uu ku dhaco?

2- Cunto uu kariyay qof qaba coronavirus ma laga qaadi karaa cudurka?

Jawaabta dhakhtarka ee su’aasha 1-aad: Cudurkan Covid-19 sidiisaba waa cudur ku dhaca meelaha neef mareenka, sida sanka, afka, dhuunta, oo ilaa sambabbada gaara. Marka jawaabtu waxay tahay in qofka markii horeba qabay cudur neef mareenka waxyeelleeya kanna uu ku sii noqonayo dhibaato kasii weyn. Sidaas darteed arrintaas aad uma wanaagsana. Waxaa dhici karta in dadka uu aad u asiibo ay ka mid noqdaan.

Jawaabta dhakhtarka ee su’aasha 2-aad: Cunto uu kariyay qof qaba cudurka corona haddii aad cunto waa khasab inaan cudurka ka qaaddo, maxaa yeelay waxyaabaha fayraska laga qaado waxaa ugu horreeya taabashada, waana sababta loo yiri hala kala fogaado. Sidaas darteed adigoo qofka u dhawaatay ayaad cudurka qaadsiin kartaa, marka haddii aad taabato weelashii uu cuntada ku kariyay ee uu taabtay adigana khasab cudurka wuu kugu dhacayaa.

Su’aal ka timid Nimcaan Jaamac Maxamed, oo jooga Burco, ayaa u dhigneyd sidan:

Qofka aan qabin cudurro hore oo soo jireen ah sida macaanka ama sonkorowga iyo wixii la mid ah haddii uu cudurka Covid-19 ku dhaco si fudud ma uga kici karaa?

Jawaabta dhakhtarka: Inta badan dadka uu cudurka aad u saameeyo, oo u baahan isbitaal ama u geeriyooda waa dadka cudurrada horay u qabay sida dhiig karka, sokorta iyo wax la mid ah. Laakiin haddii uusan qofka intaasoo dhan qabin oo uusan waayeel ahayn waxay u badan tahay 90% inuu si fudud uga kaco.

Su’aal kale waxay ka timid Maxamed Fooxle, oo jooga Galgaduud.

Haddii uu qof ku dhaco Covid-19 oo uu ka bogsado, marly labaad maku dhici karaa?

Jawaabta dhakhtarka: Waxaan horay u sheegnay in coronavirus aan wax badan laga aqoonin, laakiin cudurro kale oo ay isku nooc yihiin nidaamka ay u dhaqmaan ayaan ka tusaale qaadan karnaa, sida cudurka flu-ga oo inta badan dilaacca xilliga qaboobaha. Haddii uu cudurkaas kugu dhaco way yartahay sida uu kuugu soo noqdo. Xogta coronavirus ee hadda adduunka laga ogyahayna waxay tilmaameysaa in marba haddii uu kugu dhaco ay yar tahay fursadda uu marly labaad kuugu dhici karo.

Cabdifataax Jaamac, oo Dhuusamareeb jooga su’aashiisu waxay ahayd:

Corona ma lagu daweyn karaa caano la kululeeyo oo sanjabiil lagu daro ama waxyaabaha dawo dhaqameedka ah ee guryaha lagu isticmaalo?

Jawaabta dhakhtarka: Soomaalida badanaa marka uu hargabka ku dhaco ama durayga way isticmaalaan waxyaabahaas, laakiin dhammaan waxyaabahaas daawo ma aha ee waa kaalmo. Waxay kugu kaalmeynayaan in qufaca, hindhisada iyo qandhada ay kaa jabiyaan. Marka waxyaabahaas oo aan qofka dhibaato u keeneynin wuu isticmaali karaa, wuuna u adeegsan karaa corona laakiin dhinaca cilmiga seyniska laguma hayo wax caddeyn ah oo muujineysa inay muhiim yihiin.

Qof aan sheegin magaciisa iyo meesha uu joogo ayaa dhakhtarka weydiiyay:

Qaniinyada kaneecadu ma gudbisaa cudurka?

Jawaabta dhakhtarka: Wax baaritaan dhinaca seyniska ah oo arrintaas lagu ogaaday ma jiraan, laakiin sida ay u badan tahay taas ma dhacdo. Sababtoo ah kaneecadu waxay qofka ka dhuuqdaa dhiigga, cudurkanna waxaa lagu kala qaadi karaa qof qabay oo qof kale taabtay, kaddibna uu qofkaas wajigiisa sii taabto.

Cabdirashiid Maxamed Cumar oo Borama jooga, su’aashiisa waxay ahayd:

Ma lagu kalsoonaan karaa natiijada qalabka lagu baaro coronavirus?

Jawaabta dhakhtarka: Wax kalsooni darro ah oo baaritaankaas lagu qabi karo ma jirto, sababtoo ah qalabka la isticmaalayo waa mid casri ah oo aad iyo aad looga soo shaqeeyay oo wanaagsan. Kaliya meesha su’aasha ay ka jirto oo shakiga keeni karta waa in qofka baaritaanka qaadaya ay dhici karto inuusan aqoon u lahayn nidaamkii wax loo baari lahaa iyo nidaamkii qalabka loo isticmaali lahaa.

Faarax Jaamac oo aan sheegin meesha uu jooga, ayaa su’aashan soo gudbiyay:

Qof waayeel ah oo jimicsi badan sameeya maka kici karaa cudurka?

Jawaabta dhakhtarka: Markii la dhaho cudurka wuxuu u daran yahay dadka waayeelka ah micnaheedu ma aha in qof kasta oo da’ ah uu u geeriyoonayo. Laakiin haddii uu qofka waayeelka ah caafimaad qabo, cudurro halis ahna uusan lahayn wuu ka kici karaa xanuunka.

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %

Average Rating

5 Star
0%
4 Star
0%
3 Star
0%
2 Star
0%
1 Star
0%

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *